?

GPs / Accident & Urgent Medical Care>

Maxaa uu yahay GP (dhaqtarka Guud)

GPga waxaa uu  tababar u leeyahay kuna taqasusay guud ahaan jirka qofka (isagoo baaraya qofka guud ahaan iyo dabiici ahaan ka dibna daaweynaya)  iyo dhibaatooyinka qofkaasi ku imaan kara. GPga waxay xarfaan ku yihiin qaas ahaan inay arkaan cudurka goorta uu qofka ku bilaabanayo. Waxaa kaloo ay yaqaanaan goorta iyo meesha loo gudbin lahaa hadii aad u baahan tahay baaritaan ama daaweyn.

GPga wuxuu sidaas daradeed garanayaa, kala talinayaa, daaweynayaa ama gudbinayaa qofka xanuunsan oo haya xanuun daawo u baahan ama xanuun dareenka nafsiga ee qofka.Qofka xanuunsan waxaa dhici karta inuu imaado  isagoo haya cudurada faafa ama cudurada waalida mid ka mid ah, xanuun caloosha kaa haya ama dhabar xanuun, sokorow (diabetes), ama qalbijab isagoo filanaya inuu caawinaad ka helayo qofkan xilka qaadey, wax garad aqoonyahan ah kuna taqasusay cilmigan.Isaga ama ayada qofka ku daaweynaya waxaa uu leeyahay ugu yaraan 10 sano oo ah tababar dhaqtarnimo. GPga waxaa uu fidiyaa gargaar aan kala joogsi lahayn inta qofkaasi uu nool yahay laga bilabo talo siin ah sida xumad ilmo yar haysa, ama qof waayel oo xusuusta maskaxda beelay iyo wax kastoo u baahan daaweyn ama dhibaatoyinka cilmi nafsiga oo ku dhici kara da'a kasta.

GPga waxaa uu tababar u leeyahay inuu dhegeysto isla markaana fiiro gaar ah siiyo dareenada qarkood oo aadan fahansaneyn, ka dibna isku dayo sidaad u wada xalin lahaydeen.

"Isdiiwaangelid niyad buuxda ah" dhaqtarada waa kuwa haysta waxbarasho tacliin sare  ama aqoon dhameystiran oo shahaado jaamacadeed ah. Waxay ka diiwangashan yihiin Ururka Taqtarada ee New Zealand oo cadeeynaya in ay ku   taqasuseen caafimaadka.